Madaxweynaha Kenya oo sheegay in ay ka go’an tahay cirib tirka tacaddiga jinsiyadeed

0
615

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa mar kale carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqooyinka ku saleysan jinsiyadda.
Kenyaanka ayuu ku boorriyay inay dowladda garab ku siiyaan sidii arrintan loogu guulaysan lahaa.
Mr. Kenyatta ayaa khudbad la sii duubay oo laga siidaayay shir ka dhacaya ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta kaasoo socon doono saddex cisho ku sheegay in maamulka Jubilee uu dhaqaale ku filan u qoondeeyay barnaamijyada lagula tacaalo xadgudubyada jinsiga ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale xusay in la dejiyay xeerar lagu xoojinayo sinnaanta jinsiyadeed iyo awood siinta dumarka iyo gabdhaha yaryar .
Tani ayaa looga gol-leeyahay in haweenka ay si buuxda uga qayb qaataan horumarka dhaqan-dhaqaale ee dalka.