Ugu yaraan 160 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Kazakhstan oo ay dibadbaxyo saameeyeen.
Ciidamada ammaanka ayaa sheegaya inay xireen in ka badan 5,000 oo qof.
Dadka ayaa muujinaya sida ay uga careysan yihiin kororka ku yimid qiimaha noocyada shidaalka.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in mudaharaadyada ay sababeen burbur hantiyeed oo qiimo ahaan dhan 175 milyan oo Euro ama 198 milyan oo doolar.
Waxay wasaaraddu intaasi ku dartay in la weeraray oo la boobay ugu yaraan 100 ganacsiyo iyo bangiyo ah iyadoo dhanka kale la burburiyay gawaari dhan 400 .