Labo qof ayaa la dilay halka dhowr guri dab la qabadsiiyay ka dib weerar kale oo ka dhacay Majembeni oo ka tirsan dowlad deegaanka Lamu.
Dadka deegaannada ahoose ee Juhudi,Salama iyo Widhu oo ka tirsan Majembeni ee ismaamulka Lamu ayaa guryahoodi xalay ka barakacay.
Kooxo hubaysan ayaa weerar xooggan oo rasaas ah ku soo qaaday Majembeni taas oo keentay in dad badan ay qaxaan halka qaar kalena la dilay.
Waxaa wali ismaamulka Lamu ka taagan hubaanti la’aan amni, iyadoo ay weerarrda sii kordhayaan.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda dhexe bandow 30 cisho ah ku soo rogtay goobaha ay saameeyeen falalka amni darro ee ismaamulka Lamu.
Bandowga ayaa bilaabanaya xilliga maqribkii ilaa waabariga.