Xulafada madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ay ka mid tahay senatarka ismaamulka Nakuru Susan Kihika ayaa xarigga Linturi ku tilmaamay mid siyaasadeysan.
Mrs. Kihika ayaa carrabka ku dhufatay in dhigeeda Meru uunan ku baaqin in la bartilmaameedsado bulsho gaar ah balse uu shacabka ugu baaqayay in 6-da jago ee hoggaanka loo doorto musharraxiinta xisbiga UDA.
Senatarka Meru Mithika Linturi oo ay maanta su’aalo weydiiyeen saraakiisha waaxda dambi baarista ee DCI-da iyo guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa xalay ku hooyday xabsiga ka hor inta aan maanta maxkamad la soo taagin.