Dibadbaxyo ka dhacay caasimadda Suudaan

0
591

Ciidamada ammaanka ee dalka Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inay sunta dadka ka ilimeysiisa ku kala eryeen dibadbaxayaal isugu soo baxay waddooyinka magaalada Khartoum.
Mudaharaadyada waxaa ka qayb qaatay kumanaan qof oo ka soo horjeedo afgembigii militari ee dalkaasi ka dhacay bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Saraakiisha ammaanka ayaa kala eryay dibadbaxayaasha xilli ay ku wajahnaayeen madaxtooyada.
Ilo -wareedyo ka tirsan waaxyaha caafimaadka ayaa sheegaya in la dilay hal qof.
Sidoo kale ciidamada ayaa sameeyay jidgooyooyin dhowr ah oo ay uga hor tagayeen in dadku ay isugu tagaan goobtaasi iyo xarunta dhexe ee militariga Suudaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dibadbaxyadu ay sidoo kale ka dhaceen magaalada Omdurman.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaramada midoobay ay ka shireyso dib u soo celinta hannaankii kala dambeynta ee dalka Suudaan waxayna wararku sheegayaan inay suurtagal tahay in militariga wadankaasi cunaqabateyn lagu soo rogo.