Dowladda Maraykanka ayaa lagu soo warramayaa inay cunaqabatayn ku soo rogtay 8 ka mid ah saraakiisha dalka Cuba.
Shakhsiyaadkan ayaa laga mamnuucay inay gudaha u galaan Maraykanka.
Tani ayaa timid ka dib markii lala xiriiriyay dibadbaxyo nabadeed oo dhacay bishii toddobaad ee sanadkii hore.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in siddeeda qof ay ku lug lahaayeen iskudayo lagu aamusiinayay shacabka Cuba iyagoo la caburinaya, si aan caddaalad ahayn loo xirayo ama lagu riday xukunno adag.
Dibadbaxyada oo dalka Cuba ka dhacay 11-kii July ayaa lagu sheegay kuwii ugu waynaa tan iyo kacdoonkii uu sanadkii 1959-kii hoggaamiyay Fidel Castro.