DHAGEYSO:Ruto oo dhaliilay shakhsiyaadka taageersan isbeddellada lagu sameeyay xeerarka siyaasadeed

0
304

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in mas’uuliyiinta taageersan isbeddelladii lagu sameeyay xeerarka xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ay fulinayaan dano u gaar ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu jiro iskuday lagu doonayo in qaab ay ahaataba lagu farageliyo maareynta xisbiyada wadanka.
Hadalka Ruto ayaa imaanaya iyadoo xeerarkii uu dhawaan ansaxiyay baarlamaanka loo gudbiyay aqalka sare.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Vihiga ee galbeedka dalka ayuu William Ruto dhanka kale caddeeyay inuu diyaar u yahay in isaga iyo madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula ay wada shaqeeyaan.
Waxaa uu ku celceliyay inuu bisha siddeedaad ee sanadkan uu ku guulaysan doono xilka madaxtinimo ee Kenya.