Raila Odinga oo u dabbaal degaya 77 sano

0
879

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta xarunta Bomas ee magaalada Nairobi lagu qabto xaflad ballaaran oo uu madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ugu dabbaal degi doono sanadguuradii 77-aad ee ka soo wareegatay dhalashadiisa.
Raila oo markii shanaad tijaabinaya madaxtinimada Kenya ayaa saaxadda siyaasadeed si wayn uga dhex muuqday tobaneeyo sano.
Mr. Odinga oo horay wax looga weydiiyay da’diisa iyo hammigiisa siyaasadeed ayaa xusay in tani aynan caqabad ku ahayn isagoo tusaale u soo qaatay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo ay da’diisu tahay 79 sano.
Mas’uuliyiin badan ayaa la filayaa inay maanta ka qayb galaan xuska in Mr. Odinga uu 77 sano jirsaday waxaana isa soo taraya farriimaha hambalyada ee loo diraya ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya.
Hoggaamiyaasha Raila ugu hambalyeeyay inuu gaaray 77 sano waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo u rajeeyay sanado dheeraad ah.
Mr. Odinga ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda Capital FM waxaa uu dhallinyarada ugu baaqay inay si wayn uga qayb qaataan waxa uu ugu yeeray kacdoonkii saddexaad ee dalka oo ku saleysan kobcinta dhaqaalaha.