Guddiga ololaha madaxtinimada Kalonzo oo cambaareeyay war laga faafiyay xaaskiisa

0
364

Guddiga isku dubaridaya musharraxnimada madaxweynenimo ee hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa cambaareeyay warar lagu sheegay been abuur oo tilmaamayay inay geeriyootay xaaska madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Pauline Musyoka.
Madaxa waaxda isgaarsiinta ee xarunta dhexe ee SKM Paloma Gatabaki ayaa bayaan ku sheegtay in wararka lagu faafiyay baraha bulshada ay ahaayeen kuwo laga naxo.
Qoraalka ayay ku tiri”Warkan waa been abuur , waa nasiib darro inaan joogno xilli dadku ay wakhti gelinayaan in lifaaqyadooda la furo iyagoo aan run sheegeyn sidoo kalena aan wax caddeyn oo qoomameyn ah u hayn dhaawaca ay gaysanayaan”
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Machakos Dr.Alfred Mutua oo warkan faafiyay ayaa raali gelin ka bixiyay.
Waxaa uu Mutua xusay inuu xog ka helay ilo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan kooxda aadka ugu dhow Kalonzo.