Ra’iisul wasaarihii Suudaan oo is casilay iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed

0
366

Ra’iisul wasaaraha dalka Suudan Cabdalla Xamdok ayaa xalay ku dhawaaqay inuu is casilay, ka dib marki xukuumaddiisii ku meel gaarka ahayd ay wiiqeen ismari-waa siyaasadeed iyo bannaanbaxyo uu dhiig ku daatay oo ka dhashay afgambigii uu sameeyay miilatariga.
Khudbad uu ka jeediyay teleefishinka dalka Suudan, ayuu Cabdalla Xamdok ku sheegay in loo baahan yahay heshiis cusub uu dalkaasi ugu gudubo xaaladda uu ku jiro hadda.
“Waxaan go’aansaday in aan dib u celiyo mas’uuliyadda oo aan ku dhawaaqo in aan iska casilayo xilka ra’iisul wasaaraha, oo aan fursad siiyo nin ama haweeney kale oo dalkan sharafta leh ka caawiya sidii uu uga gudbi lahaa inta ka harsan xilliga ku meel gaarka ah si uu u noqdo waddan rayid ah oo dimuqraadi ah.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamdok.
Iscasilaaddiisa ayaa kusoo aadeyso lix toddobaad ka dib markii uu xafiiskiisa dib ugu soo laabtay ka dib afgambigi militeriga ee dhacay bishii Oktoobar ee sanadkii hore.