Maxaa looga hadlayaa shirka golaha wadatashiga Soomaaliya ee maanta furmaya?

0
352

Waxaa lagu wadaa in maanta Magaalada Muqdisho uu shir uga furmo Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda 5-ta maamul Goboleed ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirkaan oo kal hore uu iclaamiyay Rw Maxamad Xuseen Rooble ayaa qorshihiisu ahaa in uu furmo 27-kii Bishii la soo dhaafay, balse uu dib u dhacay.
Waxaana shirka Maanta looga hadlayaa Amniga guud ee dalka Soomaaliya, Sixitaanka habraaca doorashooyinka iyo in wakhti cayiman lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.
Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ayaa dood adag ka yeelan doona caqabadaha haysta doorashooyinka, sidoo kalena warar soo baxayay ayaa sheegaya in Dowlad Goboleedyada qaar ay doonayaan in hal deegaan lagu soo koobo doorashada
Magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa u diyaargarowga Shirka Golaha wadatashiga Qaran, waxaana shirkaas isha ku haya Shacabka Soomaaliyeed iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.