Mid ka mid ah culimada soomaaliyeed ee Mareykanka ee la la’aa oo meydkiisa la helay

0
297

Alle ha u naxaristee waxaa xalay la helay meydka Sheekh Maxamad Xasan oo Imaam ka ahaa masjika Abuu-hureyra ee magaalada Columbus ee dalka Mareykanka.
Marxuum Sh. Maxamad Xassan, oo 48-dii saac ee lasoo dhaafay la la’aa, ayaa meydkiisa oo gaari ku jira madaxana xabad kag taallo laga helay meel qudaafad ah, nawaaxiga ee magaalada Columbus.
Waxaa uu ka mid ahaa dadka sida wayn looga yaqaano magaalada Ohio.
Bulshada Soomaaliyeed iyo ciidanka booliska oo baadigoobayay Sheekha Saacadihii lasoo dhaafay ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono, islamarkaana la baari doono ciddii ka dambeysay falkaasi oo si wayn uga nixiyay bulshada.
Ilaa hadda lama yaqaano cidda ka dambeysay dilka Sheekha, balse waxaa lagu wadaa in Soomaalida kunool gobolkaasi ay sameyn doonaan banaanbaxyo waa weyn.
Marxuumka oo da’diisa 50 sano jir ahayd ayaa waxa uu ahaa wadaad bulshada Columbus wanaag badan, afgaabni & qunyar-socodnimo ugu suntanaa.