Booliska oo 7 cisho xabsiga ku sii heyn doona rag lagu helay arrimo been abuur ah

0
394

Labo eedaysane ayaa muddo toddobo cisho ah xabsiga lagu sii heyn doonaa ka dib markii la soo taagay maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi.
Waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in ay dadka ka iibinayeen log buugyada baabuurta oo been abuur ah.
Sidoo kale raggaan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in si been abuur ah ay ku qaateen lacag deyn ah.
Labadan eedeysane ayaa lagu kala magacaaba Timothy Mwangi iyo Peter Nyaga ayaa muddada fasaxa ciidda masiixyiinta ku qaadan doonaan xabsiga dhexdiisa .
Muddada ay xabsiga ku jiraan dambi baarayaasha waaxda DCI-da, waxay ku sameyn doonaan baaritaano dheeraad ah si mar kale ay maxkmadda uga soo hormuuqdaan.
Qabashada raggaan ayaa waxaa laamaha ammaanka gacan ka siiyay maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka waddooyinka ee (NTSA).