Mid ka mid ah hoggamiyaasha ku midoobay isbeheysiga siyaasadeed ee OKA ahna senetarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula ayaa xaqiijiyay in dabayaaqada bisha Koowaad ee sanadka soo socdo ee 2022-ka shaacin doonaan musharraxa madaxweyninimo ee ku matali doono doorashada guud ee sanadka dambe.
Mr. Wetangula oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga Ford Kenya, ayaa xusay in xulashada cidda calanka u sideysa ay tahay mid u baahan fikir iyo falanqeyn badan, sidaas darteedna aan loo baahneen degdeg.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay weli ku howlan yihiin wada hadallo ay ku soo xulanayaan in mid ka mid ah uu sanadka 2022-ka u tartamo hoggaanka ugu sarreeya dalka.
Moses Wetangula ayaa ku boorriyay dadweynaha in ay iska indhatiraan kuwa u maleynaya in isbeheysiga OKA uu si tartiib ah u socdo.
Waxaa uu sheegay in kenyaanka ay u ballanqaadayaan in dhamaadka bishaa Janaayo ee sanadka dambe ay soo bandhigi doonaan musharrax u tartamo hoggaanka ugu sarreeya dalka.
Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee xisbiyada ANC,Wiper, KANU iyo Ford-Kenya ayaa kala ah Musalia Mudavadi , Kalonzo Musyoka, Gideon Moi iyo Moses Wetangula.
Home Wararka Kenya Isbeheysiga OKA oo dabayaaqada bisha Koowaad ee 2022-ka ku dhawaaqi doono musharraxa...