Dowladda Itoobiya oo war ka soo saartay dagaalka Tigray

0
515

Dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay ciidamadeeda ku amartay inaysan aad ugu sii fogaan gobolka waqooyi ee Tigray.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay warar sheegaya in saraakiisha militariga ee dowladda Itoobiya iyo xulafadooda ay qabsanayeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla gobollada Tigray dariska la ah ee Axmaarada iyo Canfarta oo ay xoogagga TPLF la wareegeen horraantii sanadkan.
Madaxa waaxda isgaarsiinta ee dowladda Itoobiya Legesse Tulu, ayaa sheegay inuu guul ku soo dhammaaday wajiga koowaad ee howlgalka
kooxda uu ku tilmaamay argagixisada looga saaraya meelaha ay ku duushay sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu intaasi ku daray in hadda si wayn loo burburiyay rabitaanka iyo awoodda TPLF ee dhanka dagaalka sidaas awgeedna dowladda Itoobiya ay qaadayso tallaabooyin lagu xaqiijinaya in kooxdu aynan mustaqbalka soo laba kacleyn iyadoo ciidamada difaaca lagu amray in wakhti xaadirkan aynan ka bixin deegaanada ay gacanta ku hayaan.