Dowladda oo sheegtay inay xoojisay amniga dalka

0
486

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiang’i ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in badqabkooda la sugay .
Waxaa uu sheegay in heegan sare la geliyay waaxyaha kala duwan ee ammaanka si ay uga hor tagaan khatar kasta oo wadanka soo foodsaarta.
Fred Matiang’i ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamada booliska ay sare u qaadeen howlaha kormeerka ee ay ka fulinayaan waddooyinka si loo yareeyo shilalka xilliyadan oo kale kordha.
Ilaa 3,000 oo ah ciidamada asluubta ayaa la howlgeliyay si ay booliska gacan ugu siiyaan sugidda ammaanka wadanka.