QM oo ka hadashay dadkii ka barakacay Boosaaso

0
362

War ka soo baxay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, ahna Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadantinimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Aadam Abdelmoula, ayuu kaga hadlay xaaladda dadkii ka barakacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wuxuu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin saameynta ay shaqaaqada Boosaaso ku yeelanayaan dadka rayidka ah ee guryahoodii ka qaxay.
Dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso oo socday Saddex Maalmood oo xiriir ah ayaa la sheegay in kala bar dadka magaalada ay ka barakaceen guryahoodii, Sida laga soo xigtay la-howlgalayaasha bini’aadamnimada iyo maamullada maxalliga ah, ilaa 40 boqolkiiba 70,000 oo Barakacayaal ah oo lagu martigeliyay magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale la sheegay inay wajaheen barakac labaad.
ku xigeenka wakiilka QM ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin saameeynta uu dagaalkii Boosaaso ku yeeshay awoodda wada-howlgalayaasha bani’aadamnimada si ay u gaaraan dadka barakacayaasha ah ee u baahan gargaar bini’aadantinimo iyo ilaalin degdeg ah.
Sidoo kale Danjiraha waxaa uu ku boorriyay dhammaan dhinacyada isku haya colaadda inay ilaaliyaan waajibaadkooda sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo inay hubiyaan inay si aan xannibaad lahayn ay shaqaalaha bani’aadamnimadu u gaaraan dhammaan dadka u baahan gargaarka.
Boqolaal qoys ah ayaa ka barakacay dagaalkii Magaalada Boosaaso, kuwaas aaday degaannada kale, waxayna wajahayaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah.