Oxford oo qiimeyneyso waxtarka tallaalka Covid19 ee carrurta

0
1044

Jaamacadda Oxford oo ku taala dalka Britain ayaa markii ugu horreysay qiimeyn ku sameyneysa waxtarka uu tallaalka cudurka covid-19 u leeyahay carruurta taas oo ay sameysay shirkadda AstraZeneca.
Tijaabinta lagu sameynayo tallaalka ayaa looga la jeeda in lagu ogaada waxtarka uu leeyahay carrurta da’adooda u dhaxeyso 6 ila 17 sano jir sida ay jaamacaddu sheegtay.
Waxaa inta dheer in ku dhawaad 300 oo si mutadawiciinimo ah loogu tijaabin doona talaalka.
Tallaalka shirkadda AstraZeneca ayaa bartilmameedku yahay in ay so saarto 3 bilyaan oo tallaal ah sanadkan gudihiisa halka ujeedkuna yahay in 200 milyan ay soo saarto bil walbo.