Saraakiisha waaxda dambi baarista ee dalka ee DCI-da oo u fadhigoodu yahay magaalda Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa gacanta ku dhigay saddex qof eedeysanayaal ah.
Shakhsiyaadkan ayaa lala xiriirinaya in ay sameeyaan shahaadooyin been abuur ah .
Waaxda DCI-da ayaa dhanka kale barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in gacanta ku dhigeen dokumeentiyada kala ah shahaadooyinka cadeynta booliska, Karka aqoonsiga qaran iyo dokumentiyo kale oo been abuur ah oo ay eedeysanayaashasi sameenayeen .
Eedeysanayaasha ayaa magacyadooda lagu kala sheegay George Kiplagat, Alex Kibet iyo Washington Omondi .
Dhallinyaro badan ayaa soo codsadeen dokumentiyadani ka dib markii waaxda adeega booliska iyo dhigeeda difaaca dalka ay shaaciyeen fursadooyin shaqo oo cusub .
Shuruudooyinka shaqooyinkani ku xiran ayaa waxaa ka mid ah shahaadooyinka cadeynta booliska iyo kaarka aqoonsiga qaran.