Arday dhintay isaga oo ka qeyb galaya tartan cunto cunis ah

0
417

Ardey dhigta fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhexe ee Sikura ee magaalada Butula ee ismaamulka Busia, ayaa Arbacada maanta ah dhintay ka dib markii uu ku istaagay rooti uu cunayay xilli uu ka qayb galayey tartan cunto ah oo lagu qabanayay dugsigaas.
Dhibbanaha oo 16 sano jir ahaa ayaa ku dhintay isbitaalka Bulwaani kadib markii xabbad rooti ah ay xirtay marinka qeybta neefsashada , taasoo u suurtageli weyday inuu neefsado.
Waxa uu ka mid ahaa koox arday ah oo ka qayb qaatay tartanka cunista rootiga .