Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in inta badan bukaannada COVID-19 ee la seexiyay cisbitaalka iyagoo xaaladoodu aad u liidato ay yihiin kuwo aan la tallaalin, taasoo muujineysa baahida loo qabo in dadka Kenyaanka ah ay qaataan baaqyada ah inay qaataan tallaalka Corona Virus.
Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Caafimaadka dalka Dr. Patrick Amoth, oo maanta la hadlyay warbaahinta ayaa sheegay in ku dhawaad boqolkiba 67% bukaanada ku jirta qeybta daryeelka deg dega ah ee (ICU-da ) aysan qaadan tallaalka COVID 19.
Dr. Amoth waxa uu ka dayriyey gaabis ku yimid qaadashada tallaalka, isaga oo intaa ku daray in dawladdu ay kor u qaadayso tillaabooyin kasta oo lagama maarmaanka u ah in lagu xakameeyo tirada badan ee caabuqa dalka laga xaqiijinayo.
Waxaa uu sheegay in maanta 15 qof ay xaaladoodu aad u liidato
Waxa uu xaqiijiyay Dr Amoth in tan iyo markii dalka laga helay kiisaskii ugu horaysay Omicron COVID 19 ay wasaaradda caafimaadka gashay feejignaan dheeraad ah si loo xakameyo faafitaanka Virus-ka cusub maadaama uu si xowli ah u faafi karo.