Dooni ku degtay xeebaha dalka Giriika oo ay dad ku dhinteen

0
360

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay tobanaan kalena waa la la’yahay kadib markii dooni ay la socdeen qaxooti iyo muhaajiriin kale ay ku degtay xeebaha Folegandros ee jasiirada dalka Giriiga.
Meydka ninkan oo aan la aqoonsan ayaa la helay intii lagu guda jiray hawl galo baadigoob iyo samatabbixin ah oo la bilaabay subaxnimadii hore ee maanta ka dib markii ay doontu ku degtay meel 180km (112 mayl) koonfur bari kaga beegan magaalada Athens.
Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sheegay in 12 qof oo ay ku jiraan caruur oo dhamaantood la aaminsan yahay in ay ka soo jeedaan Ciraaq la soo badbaadiyay oo loo qaaday jasiirada Santorini ee u dhow.
Inta badan dadkii ka badbaaday doonta ayaa sheegay in markii hore ay doonida saarnaayeen 32 qof, balse mid ka mid ah ayaa maamulka u sheegay in ay ahaayeen ilaa 50 qof.