Garyaqaan u dhashay Ingriiska oo loo magacaabay madaxa dambiyada caalamiga ah

0
713

Garyaqaanka u dhashay dalka Ingiriiska Karim Khan ayaa loo doortay dacwad oogaha guud ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, isagoo beddelaya Fatou Bensouda oo horay xilkaan u haysay.
Mr Khan wuxuu helay 72 cod wareegii labaad ee codbixintii lagu doortay, waxaa uuna ka adkaaday nin ka soo jeeda wadanka Ireland kaas oo lagu magacaabo Fergal Gaynor isagoona helay 42 cod.
Qabashada xilkaan waxaa si weyn ugu loolamayay muwadiniin ka soo kala jeeda dalalka Yurub sida Spain iyo Taliyaaniga.
Mr Khan wuxuu ku guuleystey wareegii koowaad 59 cod
Mr Khan wuxuu noqonayaa dacwad ooge Yurub ah ee ugu horeeyay maxkamada ICC taariikhda muddo 20 sano ah.
Karim Khan ayaa waxaa uu qareen u ahaan jiray madaxweyne ku xigaanka dalka William Ruto.