Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo ku sugnaa deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu ayaa sheegay in uu u qalmo in uu noqdo hoggaamiyaha xilka ka beddeli doono madaxweynaha dalka ee Mr Uhuru Kenyatta marka u muddo xileedkiisa dhamaado ee sanadka 2022-ka.
William Ruto ayaa xasuusiyay madaxweynaha dalka safarkii ay soo mareen madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House.
Dr Ruto oo u jawaabayay madaxweynaha dalka ayaa sheegay markii uu saaxiib u baahnaa u asaga garab istaagay.
Hadalka ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa imaanaya ka dib markii madaxweynaha dalka u shalay sheegay inay jiraan madax u ku tilmaamay in ay laba aflayaal yihiin.
Waxaa uu sheegay in ay dowladda mar caynayaan marna ay amaanayaan.
Kenyaanka oo dareenkooda ku aadan hadalka Mr Kenyaatta oo ay ku soo bandhigeen baraha bulshada ayaa waxay sheegeen in hadalkaas uu ula dan lahaa ku xigeenkiisa William Ruto.