Weerar ka dhacay duleedka caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul ayaa lagu dilay 5 ka mid ah ciidamada ammaanka ee wadankaas.
Waxaa falkan gaystay rag hubeysan oo aan ilaa iyo hadda la aqoonsan.
Ciidamada la dilay ayaa ilaalo u ahaa kolonyo baabuur oo ay leedahay qaramada midoobay.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in ay weerarka uga shakisan yihiin kooxda Taalibaan.
Howlgalka nabadsugidda qaramada midoobay ee dalkaas ee (UNAMA) ayaa u tacsiyeeyay qoysaska askarta lagu dilay weerarka.