Guddiga IEBC oo shaaciyay xisbiyada siyaasadeed ee ka qayb qaadanaya doorashooyinka soo socda

0
534

72 xisbi siyaasadeed oo kaliya ayaa ka qayb qaadanaya doorashooyinka guud ee sanadka danbe wadanka ka dhacaya sida uu shaaciyay gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xaduudaha dalka ee IEBC waxaana aan soo buuxin sharuudihii laga doonayay 10 xisbi.
Gudoomiyaah gudiga qaran ee doorashooyinka iyo xaduudaha dalka IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in xisbiyadaan lagu dhawaaqay ay soo buuxiyeen dhamaan shuruudaha looga baahnaa ee sharciga doorashooyinka.
Gudiga ayaa ilaa iyo 82 xisbi oo isdiiwaangaliyay waxay ka codsadeen inay soo gudbiyaan dokumentiyadooda kadib markii ay buuxin waayeen shuruudihii laga rabay balse waxaa u qalmay heerkii laga doonayay 72 ka mid ah halka 10-ka kalena dib loo celiyay.
Chebukati ma uusan shaacin magacyada xisbiyada gudbay iyo kuwa gudbi waayay taasoo keentay inay dad badan su’aalo iska waydiiyaan.
Sarkaal sare oo ka tirsan IEBC ayaa warbaahinta u sheegay inay si toos ah ugu qor doonaan natiijada xisbiyadu.
Mar uu habraacyada ka hadlayay gudoomiyaha IEBC ayuu sheegay inay xeerarka maagcaabista ay tahay inay si adag u waafaqaan dastuurka dalka,xeerarka xisbiyada siyaasadeed,xeerarka doorashooyinka,aas-aaska xisbiga iyo liiska xisbiyada ee 2017-kii sidoo kalena ay waafaqsan yihiin dastuurka xisbiyada.
Guddiga IEBC ayaa xisbiyada siyaasadeed u qabtay ilaa 16-kii bishii hore inay dib u soo gudbiyaan xeerarka magacaabista ee dib loo eegay qaybta 27-aad farqada 1-aad ee sharciga doorashooyinku.
Dhamaan xisbiayda siyaasadeed ee soo gudbiyay xeerarkooda magacaabista ugu danbayn 18-kii October ayaa lagu helay inaysan u hogaamsamin sharuudaha sharaciga ah, IEBC ayaana ka digtay inay iska diidi doonto sharuuc kasta oo aan waafaqsanayn sharciga jinsiga ee saddex meelood labo meel.