Booliska Suudaan oo sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala eryay dad banaanbaxayay

0
328

Booliska dalka Suudaan ayaa lagu soo waramayaa inay sunta dadka ka ilmaysiisa ku kala eryeen banaanbaxyaal isusgu soo baxay meel ku dhow xarunta madaxtooyada magaalada Khartoum ee caasimada wadankaas kuwaas oo diidan heshiiska Milatariga ee dib loogu soo celiyay ra’isulwasaare Abdalla Hamdook.
kumaan qof ayaa isugu tagay wadooyinka Khartoum iyo magaalooyin kale oo Suudaan ka tirsan isniinta maanta ah kuwaas oo qayb ka ah banaanbaxyada aan kala joogsiga lahayn oo looga soo horjeedo inqilaabkii milarariga ee bishii 11-aad iyo in loo ogolaaday ciidamada inay ka sii mid ahaadaan golaha KMG ee la dhisay 2019-kii markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al-bashiir.
Kooxaha u ololeeya dimoqraadiyada oo hormuud ka ahaa kacdoonkaa xukunka looga faramaroojiyay madaxweyne Al -Bashiir ayaa dhaliilay heshiiska dib loogu soo celiyay Ra’isulwasaaare Xamdook waxayna sheegeen inaysan marna ciidamadu ka mid noqon karin dowlada maadaama aan lagu aamini karin inay horseed u noqdaan isbadalka dimoqraadiyadeed.