Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay inay diiwaangelisay dhimashadii ugu horreysay ee ka dhalatay faraca cusub ee COVID19 oo loo yaqaano Omicron kaasoo ilaa iyo hadda ku faafay in ka badan 70 dal oo caalamka ah.
Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa isniinta maanta ah sheegay in ugu yaraan hal qof oo uu horay u saameeyay nooca cusub ee Omicron dhimashadiisa la xaqiijiyay .
Waxaa uu arrintan ku tilmaamay mid nasiib darro ah iyadoo dhanka kalena dalku billaabay barnaamijyo wax ku ool ah oo noocaan cusub lagula dagaalamayo.
Britain oo ka mid ah dalalka caalamka ee ay sida ba’an u saamaysay dhibaatada caafimaad ee caalamka tan iyo sanadkii hore ayaa la rumaysan yahay inay tahay dowladii ugu horrasay ee si rasmi u shaacisay dhimashada nooca cusub ee Omicron.
Ra’iisul wasaaraha oo booqday xarun caafimaad oo ku taalla Galbeedka London ayaa sheegay inay kiisaska la xiriira nooca cusub ee caasimadda laga diiwaan galiyay 40 boqolkiiba kor u kaceen.
Boqortooyada Britain ayaa Axadii soo saartay digniin adag oo ku saabsan xaaladda wadanka ee cudurka iyadoo sare u qaaday feejignaanta maadaama ay aad u sarrayso heerka is gudbinta ee cudurka.
Khudbad naadir ah oo TV-ga laga siidaayay ayuu Johnson ku sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah si looga hortago inay toddobaadyada soo socda isbitaaladu buux dhaafiyaan.
Dadka wadanka Ingiriiska ee qaangaarka ah ayaana dowladu fartay inay qiyaasta saddexaad ee talaaalka Covidka qaataan ilaa dhamaadka bishaan.
In ka badan 500,000 oo qof ayaa qaatay ilaa sabtidii balse si yoolka loo gaaro dowladu waxay sheegtay inay tahay in tiradaas la laba jibaaro maadaama uu si aad ah sare ugu kacay walaaca laga qabo nooca cusub ee cudurka.
Axadii waxaa UK laga xaqiijiayy 1239 xaalado nooca cusub ah waxayna saynisyahanadu sheegeen inay tiradu sii labo jibarmi karto labada ilaa sadex maalin.