Madaxweynaha Koonfur Afrika oo uu haleelay cudurka Covid-19

0
385

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa laga helay cudurka COVID-19 ka dib markii uu isku arkay astaamihiisa.
Mr. Ramaphosa oo si buuxda looga tallaalay xanuunkan, ayaa bilaabay inuu dareemo daciifnimo ka dib markii uu shalay ka qayb galay baroordiiq loo sameynayay madaxweynihii hore ee dalkaasi F W de Klerk, kaas oo shalay ka dhacay magaalada Cape Town .
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka Koonfur Afrika oo 69 sano jir ah ayaa hadda ku go’doonsan magaalada Cape Town, waxaana xaaladdiisa caafimaad la tacaalayo waaxda adeegga caafimaadka milateriga ee dalkaasi.
Waxaa uu dhammaan shaqooyinkiisa u wakiishay ku xigeenkiisa David Mabuza.