Muxuu ka dhashay khilaafka u dhexeeya wasiirka caddaaladda & guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa Soomaaliya?

0
322

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa dalka Soomaaliya Dr. Xasan Khaliif Xasan ayaa bannaanka soo dhigay khilaaf xilligaan ka dhexeeya Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamad Nuur Jaamac iyo qaar ka mid ah Xubnaha Guddigan, isaga oo eedeyn u jeediyay.
Dr. Xasan Khaliif ayaa sheegay in uu si gaar ah khilaafka uga dhexeeya Wasiir Cabdulqaadir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, kaas oo soo billowday markii Guddiga la dhaariyay ee uu dooranayay guddoomiyaha & guddoomiye ku xigeenka.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa Soomaaliya Dr. Xasan Khaliif oo la hadlay Teleefishinka maxalliga ee Universal ayaa sheegay in khilaafka uu billowday ka dib markii Wasiirka Caddaaladda uu si sharci darro ah isugu dayay in uu soo farageliyo howsha Guddiga, balse khilaafka uu si rasmi ah u soo baxay 9-kii Bishan xilli loo dabbaal degayay Maalinta Caalamiga ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa.
Ugu dambeyn Dr. Xasan Khaliif waxaa uu ku eedeeyay Wasiirka Caddaaladda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Soomaaliya inay si sharci darro ah gacanta ugula jiraan howlaha guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalkaasi.