Muwaadin Soomaali ah oo u geeriyooday dhaawac burcad ugu gaystay Turkiga

0
259

Baashe Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray ka dib weerar ay 6-dii bishan ku qaadeen saddex nin oo burcad ah Turkish ah, xilli uu ku sugnaa goob dalxiis oo ku taalla degmada Beyoğlu ee bartamaha magaalada Istanbul.
Warbaahinta dalka Turkiga ayaa soo bandhigtay muuqaallo muujinaya qaabkii loo fuliyey weerarkaas, Waxayna kaamiraduhu qabteen ragga burcadda ah oo gadaal uga yimid marxuumka, ka ddibna mid ka mid ah ayaa Feer qoorta kaga dhuftay, dhulka ayuuna ku dhacay Baashe, isagoo halkaas ku miyir daboolmay, sida ay warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta.
Burcadda ayaa baaratay Baashe oo dhulka yaalla, waxayna ka qaateen taleefano, boorso iyo agabyadii kale ee uu watay, waxayna ku baxsadeen gaari Taksi ah, balse booliska ayaa ku guuleystay in uu soo qabto.
Xogaha laga baahiyey dhacdadaan waxay intaasi ku darayaan in saddexdii burcadda ahayd degdeg loo hor geeyey maxkamad, islamarkaana labo ka mid ah oo ka yaraa da’adooda 18-sano lagu soo oogay dacwad xatooyo, halka ninka 3-aad ee feeray Baashe lagu soo oogay inuu gaystay dil bareer ah.
Marxuum Baashe Xoosh Jabriil waxuu ahaa Aabe deganaa magaalada Todonto ee dalka Canada oo uu dhalashadiisa labaad ka haystay, wuxuuna Istanbul u tegay dalxiis.
Alle ha u naxariistee Baashe Xoosh Jabriil waxuu ahaa walaalkii ka yaraa wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo isna 8-dii Maarso ee sanadkii 2019-kii ku geeriyooday dalka isu tagga Imaaraatka Carabta.