Madaxweynaha dalka Burkina Faso Roch Marc Christian Kabore ayaa u magacaabay Lassina Zerbo inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaasi, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxtooyada looga arrimiyo wadankaasi.
Zerbo, oo ah 58 jir ayaa horay u ahaa madaxii hore ee hay’ad sare oo qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka.
Waxaa uuna xilka la wareegaya iyada oo ay sii kordhayso ku qanacsanaan la’aanta shacabka ee ka dhalatay qalalaasaha amni ee sii xumaanaya ee ka taagnaa Burkina Faso muddo sanado ah.