Ka dib dabeylo xooggan oo saameyn ku yeeshay Lix ka mid ah gobollada Maraykanka ayaa waxaa laga cabsi qabaa in dhacdooyinkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof.
Duufaannada ayaa lagu soo warramayaa inay burburiyeen guriyo iyo goobo ganacsi.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa taageero dowladeed u ballanqaaday gobollada ay dhibaatadan gaartay.
Biden ayaa dabeylaha ku tilmaamay kuwii ugu waynaa ee taariikhda dalkaasi.
Waxaa uu ansaxiyay in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo gobolka Kentucky oo ay saameynta ugu badan soo gaartay halkaasi oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen ugu yaraan 22 qof.
Biden ayaa xusay in dhibaatada dhacday ay musiibo tahay oo ilaa iyo hadda aynan qiimeyn karin baaxadda khasaaraha ka dhashay.