DHAGEYSO:Hub laga helay xaafad ka tirsan magaalada Garissa

0
1232

Booliska magaalada Garissa ayaa gacanta ku soo dhigay hub kaas oo laga helay xaafadda Iftin ee dowlad deegaankaasi.
Hubkan ay booliska heleen ayaa ka koobnaa 4 qori ah iyo 203 xirmo oo rasaas ah.
Dhowr qof oo lala xariirinaya hubkaas ayaa lagu soo warramayaa inay baxsaden, balse ay gacanta ku dhigeen 3 qof oo baaritaanno haatan lagu hayo.
Booliska ayaa rumeysan in hubkan loo qorsheynayay in weerarro lagu fuliyo.
Laamaha ammaanka ayaa dadweynaha ugu baaqay inay ku soo wargeliyaan qofkii wata hub sharci darro ah.