Haweeney looga shakiyay argagixisanimo oo lagu qabtay Nandi

0
355

Waaxda dambi barista dalkani Kenya ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay haweeney lagu tuhmayo inay xiriir la leedahay kooxaha argagixisada.
Galinkii dambe ee shalay ayaa laga qabtay deegaanka Tinderet ee ismaamulka Nandi, gobolka Rift Valley.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada booliska ee saldhigga Soghor ay xog ka heleen shakhsiyaad lagu tilmaamay waddaniyiin.
Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay haweeneydan oo nin kula nooleed tuulada Kamalambu, balse uu shaki badan ka muuqday.
Haweeneyda ayaa markii la xiray, dembi baarayaasha u sheegtay in ay Soomaaliya ku sugneyd muddo labo sano ah ka dib markii la sheegay in xubno ka tirsan xooggaga Al-Shabaab ay ku afdubteen ismaamulka Kilifi sanadkii 2019-kii.
Waaxda dambi baarista dalka ayaa laga soo xigtay in haweeneydan oo 22 sano jir ah ay qiratay in la baray xirfado ku saabsan sida hubka loo adeegsado, isticmaalka walxaha qarxa iyo xirfado kale.
Waxaa sidoo kale la sheegay in haweeneydan ay ka qayb gashay barnaamijkii qorista ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ee dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay xarumo kala duwan ee dalka.
Haweeneyda ayaa haatan lagu wareejiyay ciidamada booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) si ay xog dheeraad ah u helaan, ayna soo gaba-gabeeyaan baaritannada.