Waxaa lagu soo warramayaa in dalka Nigeria laga xaqiijiyay kiisaskii ugu horreeyay ee faraca cusub ee cudurka COVID-19 ee Omicron variant.
Xarunta xakameynta cudurrada wadanka Nigeria ee (NCDC) ayaa sheegtay in laba qof ka yimid dalka Koonfur Afrika toddobaakii hore laga helay nooca cusub ee Coronavirus.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo madaxa fulinta shirkadda soo saarta tallaalka ee lagu magacaabo BioNTech Ugur Sahin, uu sheegay in kasta oo kala duwanaanshaha Omicron uu u horseedi karo in dad badan oo laga tallaalay Covid19 ay qaadaan cudurka.
Waxaa uu xusay inay u badan tahay in tallaalka Covid19 dadkii qaatay uu jirkooda ka difaaci doonin faraca cusub ee Omicron.
Saynis yahannada caafimaadka ayaa ku dadaalaya in ay wax badan ka ogaadaan saamaynta Omicron oo markii ugu horreysay lagu arkay dalka Koonfur Afrika.
Dalal badan oo caalamka ayaa mamnuuceen duulimaadyada uga yimaada dhanka wadamada Koonfurta Afrika ku yaalla.
Waxaana hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ku talisay in dowladaha caalamka ay si buuxda ugu diyaar garoobaan la tacaalidda faraca cusub ee corona ee loo yaqaano Omicron.