DHAGEYSO:Kiisaska AIDS-ka ee Kenya oo yaraaday boqolkiiba 68

0
389

Dalka Kenya ayaa ka mid ah wadamada maanta laga xusayo maalinta cudurka AIDS-ka adduunka oo sanad kasta la qabto koowda bisha 12-aad ee Diseembar.
Xuska arrinkan ku aaddan ayaa ka socdo ismaamulka Nakuru iyadoo uu munaasabadaasi ka qayb gelaya madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka Susan Mochache ayaa sheegtay in isqaadsiinta cudurkan ee gudaha dalka ay yaraatay boqolkiiba 68.
Waxay sidoo kale sheegtay in hooyooyinka carruurtooda u gudbiya cudurkan ay tiradoodu hoos u dhacday boqolkiiba 50.
Susan Mochache oo maamulka Jubilee uga mahadcelisay dadaalka uu geliyay la tacaalidda xanuunka AIDS-ka ayaa dhanka kale ku baaqday in la iska kaashado sidii hoos loogu sii dhigi lahaa kiisaska la diiwaangeliyo