WHO oo ka digtay xiritaanka xuduudaha faraca Omicron awgii

0
327

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa digniin ka soo saartay tallaabooyinka aan laga fiirsan ee ay dowlado badan ku xirayaan xuduudooda iyagoo u aaneynaya faraca cusub ee cudurka COVID19 ee loo yaqaano Omicron.
Waxay hay’addu sheegtay in falcelinta noocani ah aynan ka hor tag u noqonayn faafitaanka caabuqa.
Ka dib markii faraca Omicron lagu arkay Koonfur Afrika oo uu wadamo kale u sii gudbay ayay dalal badan sida kuwa Midowga Yurub mamnuuceen duulimaadyada uga yimaada dhanka wadamada Koonfurta Afrika ku yaalla.
Hasa ahaate hay’adda WHO ayaa sheegaysa in tallaabooyinkan ay dalalka u horseedi karaan inaysan wadaagin xogaha ku saabsan nooca cusub ee caabuqa corona.
Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inay tahay arrin la fahmi karo in dowladaha xuduudaha xirtay ay ku dadaalayaan badbaadinta nolosha muwaadiniintooda.
Hasa ahaate waxaa uu soo jeediyay in la iska kaashado sidii waxyaabo badan looga ogaan lahaa faraca halista ah ee Omicron si looga sinnaado falcelinta ka dhanka ah.