Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ee Heer Federaal Maxamad Xasan Cirro ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabayaan baaritaanka kursiga HOP#103 oo cabashada ka timid, kaas oo dhawaan sheegay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka dalkaasi Maxamad Cismaan Jawaari loo diiday in uu u tartamo.
Waxaa uu intaasi ku daray in ujeedkooda ugu wayn ay Baydhabo u tageen ay tahay inay dib u eegis iyo baaritaan ku sameeyaan kuraasta ay cabashada ka timid, si xal looga gaaro.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamad Xasan Cirro ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamad laftagareen ay kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka, islamarkaana doorashooyinka u noqon lahaayeen kuwo daahfuran.
Doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka kala dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo ayaa waxaa ka timid cabasho xooggan ka dib markii laga reebay dad doonayay inay kuraasta qaar u tartamaan
Home Wararka Soomaaliya Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo ku dhawaaqay baarista kursigii loo diiday Jawaari