William Ruto oo socdaal labo cisho ah ku tagaya Machakos

0
315

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inay ismaamulka Machakos maanta uga billaabato booqasho labo cisho ah.
Waxaa uu dadweynaha kula hadli doonaa suuqyada Kiatuni ,Mumandu iyo Kaloleni inta u dhexeysa 8-da subaxnimo ilaa 10-ka barqanimo.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ku xigeenka madaxweynaha uu sidoo kale kulamo ku qabto degmooyinka kala duwan ee Machakos.
Ruto ayaa wado olole siyaasadeed oo uu shacabka ku qancinaya inay taageeraan qorshihiisa ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka laga soo billaabo meel hoose iyadoo garab la siinaya danyarta, dhallinyarada shaqo la’aanta ah iyo ganacsatada yaryar.