Kenya oo heshay 1.4 milyan oo ah dawooyinka tallaalka ee COVID19

0
326

Waxaa dalka la soo gaarsiiyay tallaal dheeraad oo dhan 1,462,400 oo ah nooca AstraZeneca si sare loogu qaado la dagaalanka cudurka COVID19.
Tani ayaa tirada dawooyinka ee ilaa iyo hadda wadanka la keenay ka dhigaysa 14.1 milyan.
Waxaa tallaalkan ku deeqay saaxiibada Kenya ee dhanka horumarka sida dowladda Denmark oo bixisay 266,400, Belgium 445,300 halka Netherlands ay dalka soo gaarsiisay 750,700 oo dawooyinka ka mid ah.
Wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa dhanka kale tirada tallaalka ee ay adeegsatay ku sheegtay 7,063,927.
Waxaa ilaa iyo hadda gudaha dalka cudurka COVID19 ugu dhintay 5,335 qof.