Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ugu baaqay inay si degdeg ah uga laabtaan xannibaadaha safarka ah oo ay waddamo qaar ah saareen dalkaasi.
Qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa laga xaqiijiyay faraca cusub ee cudurka COVID19 ee loo yaqaano Omicron Variant.
Waxaa lagu soo warramayaa in uu ku sii fidayo adduunka oo dhan, iyadoo kiisas cusub laga xaqiijiyay dalalka kala ah Netherlands, Denmark iyo Australia.
Dalal aad u badan ayaa xayiraado dhanka socdaalka ah ku soo rogay dalka Koonfur Afrika iyo waddamada kale ee deriska la ah.
Faraca Omicron ayaa markii ugu horreysay lagu arkay dalka Koonfur Afrika.