Senetarka ismaamulka Meru oo sheegay in dhawaan isbeheysiga OKA uu kala jabi doono

0
296

Senetarka ismaamulka Meru Mithika Linturi ayaa sheegay in Isbeheysiga siyaasadeed ee OKA uu yahay garabka siyaasadeed ee hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Mr. Mithika Linturi oo la hadlay teleefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in dhawaan isbeheysiga OKA uu kala jabi doono.
Waxaa uu ku andacooday in qaar ka mid ah madaxda OKA ay yihiin basaasiin siyaasadeed.
Waxaa xusay in laba ka mid ah hoggaamiyayaasha ku midoobay isbeheysiga OKA ay iska xaadiriyaan meelo kala duwan oo lagu qabto bandhigyo siyaasadeed, islamarkaana aysan danahooda mudnaata siinin.
Madaxda ku midoobay isbeheysiga OKA ayaa kala ah Musalia Mudavadi, Kalonzo Musyoka, Gideon Moi iyo Moses Wetangula.
Senatarka ismaamulka Meru ayaa madaxdan ku tilmaamay in u jeedadooda iyo mowqifkooda uunan caddeyn, islamarkaan aysan awood u laheyn in shacabka kasbadaan.
5-tii bishan ayay ahayd markii Musalia Mudavadi, Moses Wetang’ula, Gideon Moi iyo Kalonzo Musyoka ay shaaciyeen olole qaran oo ay u galayaan hanashada hoggaanka ugu sarreeya Kenya.
Hasa ahaate waxay hoosta ka xarriiqeen inay musharrax madaxweyne soo bandhigi doonaan muddo labo bilood gudahood ah.