Iyada oo magaaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ku sameeyay agaasimaha Ciidamada PSF-ta ayaa Puntland waxaa ay Ciidamo hor leh gaysay Magaaladaasi.
Xalay Saqdii dhexe ayaa Ciidamo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan iyo hub culus waxaa ay ka gudbeen magaalada Garoowe, iyaga oo gaaray Magaalada Boosaaso.
Laamaha Amniga Maamulka Puntland ayaan weli wax faahfaahin ka bixin ciidamadaas lagu daad gureynayo Magaalada Boosaaso, balse waxaa jira digniin Madaxda Puntland u dirayeen saraakiisha Ciidamada PSF-ta.
Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa hadda ku wada sugan Ciidamada PSF-ta oo wata hub farabadan iyo kuwa Maamulka Puntland, iyada oo Bulshada Magaalada Boosaaso ay muujinayaan walaac ku saabaan cabsi ay ka qabaan in dushooda lagu kor dagaalamo.