Kenya oo heegan sare ku jirta ka dib faraca cusub ee Omicron

0
468

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in howlwadeenada la geliyay heegan sare ka dib markii qaar ka mid ah wadamada caalamka laga xaqiijiyay faraca cusub ee cudurka COVID19 ee loo yaqaano Omicron Variant.
Hasa ahaate xoghayaha joogtada ee wasaaradda Susan Mochache ayaa sheegtay inuusan jirin qorsho lagu mamnuucayo inay dalka yimaadaan dadka ka soo jeedo dalalka lagu arkay caabuqan cusub.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ka wasaarad ahaan aynan weli go’aan noocan ah ka fikirin.
Mochache ayaa sheegtay in wasaaraddu ay diyaar u tahay ka hor tagga faafidda Omicron haddii laga diiwaangeliyo gudaha wadanka.
Xoghayaha oo arrinkan ka hadashay xilli ay ku sugnayd ismaamulka Kisii ayaa sheegtay in dib loo soo celin karo baaritaanada ka dhanka ah caabuqa ee laga sameeyo meelaha dalka laga soo galo.
Sudan Mochache, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka ayaa dadweynaha ku boorrisay inay u soo hoggaansamaan tallaabooyinka ka dhanka ah COVID-19.
Waxay shacabka kula talisay inay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaraan la dagaalanka cudurka.
Mochache ayaa dhanka kale ku baaqday qaadashada tallaalka oo ay sheegtay in dhamaan dawooyinka ay yihiin kuwo wax ku ool u ah faracyada kala duwan ee cudurka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda dhexe ay qaadday tallaabooyinka habboon waxaana si dhow loola socdaa xaaladaha caafimaad ee rakaabka ka imaanaya wadamada Koonfur Afrika Hong Kong iyo Botswana.