Kenya oo laga xaqiijiyay 11 oo ah xaaladaha cusub ee COVID19

0
343

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay xaalado cusub oo ah kuwa cudurka COVID19 oo gaaraya 11 ka dib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan dhan 2,463.
Xaalaha maanta waxaa laga kala xaqiijiyay ismaamullada Nakuru oo 3 ah,Murang’a, Nairobi iyo Wajeer oo min labo xaaladood ah , Trans Nzoia iyo Kericho oo min hal xaalad ah.
Dadka ugu dambeeyay ee cudurka laga helay 9 ayaa Kenyaan ah halka 2 ay ajaaniib yihiin.
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 7 dumar iyo 4 rag ah oo ay da’doodu u dhexeyso 19 sano iyo 81 sano.
Tirada guud ee kiisaska xanuunka ee wadanka ayaa hadda ah 254,951.
Waxaa xanuunka ka caafimaaday 15 bukaan oo dheeraad ah tani oo bogsashada guud ka dhigaysa 248,131.
Lama soo tabin wax dhimasho oo dheeraad ah waxayna tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda gudaha Kenya ugu dhintay cudurka COVID19 tahay 5,333.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inay ilaa iyo shalay adeegsatay 6.9 milyan oo ah dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.