Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo soo afjaro dagaallada muddo sanad ah ka taagan dalka Itoobiya.
Waxay isku dhacyadu u dhexeyaan ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo xoogagga gobolka waqooyi ee Tigray ee TPLF.
Xoghayaha qaramada midoobay ayaa xilli uu hadal ka jeediyay dalka Colombia sheegay inay khasab tahay in sida ugu dakhsiyaha badan colaadda loo joojiyo iyadoo dhinacyada dagaallamaya aynan wax shuruudo ah isku xirayn.
Baaqa Guterres ayaa imaanaya iyadoo dhanka kale Maraykanku uu sheegayo in xaaladda jirta aan lagu xallin karin qaab militari ka dib markii ra’iisul wasaare Abiy Axmad uu shaaciyay inuu ciidamada ku hoggaaminaya dagaalka ay fallaagada kula jiraan.