Doorasho labo kursi oo maanta dhuusamareeb ka dhacaysa

0
225

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inay Maanta oo khamiis ah ka dhacdo doorashada laba kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.
Guddiga doorashada Galmudug ayaa xalay shaaca ka qaaday in doorashada Maanta ka dhaceysa magaalada Dhuusamareeb ay tahay kuraastooda kala ah Hop043 iyo Hop067, waxaana kuraastaas loo diiwaan-geliyay Musharaxiin dhowr ah oo isku soo sharaxay inay u tartamaan.
Kursiga tirsigiisu yahay Hop067 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Xildhibaan Caddoow Cali Gees, waxaana haatan Musharaxiinta ku tartameysa kamid ah Taliyiha KMG ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA Yaasiin Fareey.
Doorashada kuraastan Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa yihiin kuwo natiijadooda la sii saadaaliyay oo xubnaha ku soo baxaya shaqsiyaad gaar ah loo badinayo.
Shalay ayey aheyd markii doorashada laba kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ka dhacday Dhuusamareeb, isla markaana waxaa kuraasta tirsigoodu kala yahay Hop104 iyo Hop 026 ku soo kala baxay Mahad Cabdalla Cawad oo afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay iyo Yuusuf Geelle Ugaas oo isna dhawaan iska soo casilay kursigii aqalka sare ee loo doortay 12 bishii sideedaad ee sanadkaan.