Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Ukur Yatani ayaa la filayaa inuu soo afjaro muddo xileedkiisa wasaaradda dhaqaalaha iyo qorshaynta qaranka isagoo soo saaraya miisaaniyadii ugu badnayd oo gaaraysa 4 tiriliyoon oo lacagta dalka ah sanad xisaabeedka billaabanaya bisha Toddobaad ee sanadka dambe.
Sida ku cad qiyaasta cusub ee lagu qeexay qaraarka xeerka maaliyadeed ee sanadka 2022-ka ee (BPS) oo la daabacay shalay, qarashaadka guud ee ku baxaya howlaha dowladda sanad maaliyadeed ay dhici doonto doorashada guud ee bisha sideedaad ayaa dhan 3.298 tiriliyoon oo shilin.
Marka xisaabtan lagu daro deymaha maxalliga iyo kuwa dibadeed, miisaaniyadda guud ayaa gaaraysa 3.977 tiriliyoon oo shilin.
Dowladda dhexe ayaa qaadan doonto qoondada dhaqaale ee ugu badan waxayna heleysa 2.075 tiriliyoon oo 38.5 bilyan laga siinaya baarlamaanka halka waaxda cadaaladda lagu wareejinaya to 18.9 bilyan.
Sidoo kale dhaqaalaha ay dowladda dhexe ku wareejinayso ismaamullada ayaa ah 370 bilyan halka lacagaha lagu bixinaya deymaha iyo arrimaha howlgabka ay yihiin 864.1 bilyan oo shilin.
Qiyaasta maaliyadeed waxaa ay tilmaamaysa in wasaaradda waxbarashada ee dalka lagu wareejin doono 525.9 bilyan oo shilin, wasaaradda caafimaadka (126.4 bilyan) iyo wasaaradda beeraha oo ah 63.9 bilyan.
Toddobaadkan gudihiisa ayaa dadweynaha laga qaybgelin doonaa qiyaasta maaliyadeed ee dalka ka hor inta aan 30-ka bishan loo bandhigin baarlamaanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in warbixinta ugu dambeysa ee miisaaniyadda dalka baarlamaanka loo gudbin doono sanadka soo socdo ka hor xilligii looga bartay si fursad buuxda loogu helo qabanqaabada doorashooyinka.