Taliyaha guud ee ciidanka booliska dalka Hillary Mutyambai ayaa ka hadlay sharcinimada in muuqaallo laga duubo saraakiisha ciidanka booliska wadanka.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayuu Mr. Mutyambai kaga jawaabayay su’aallo ay u soo gudbiyeen kenyaanka isticmaalo barta Politics 2541 oo la xiriiray inay sharci darro tahay in la duubo saraakiisha xiro ama doonaya inay qof xabsiga u taxabaan.
Mr. Mutyambai ayaa la weydiiyay inuu arrintan caddeeyo maadaama waddamada Maraykanka iyo Ingiriiska lagu arkay muuqaallo laga duubaya ciidamada ammaanka.
Qofka su’aasha soo gudbiyay ayaa hoosta ja xarriiqay in haddii sidan lagu sameeyo gudaha Kenya ay ciidamadu dhibaato bani’aadanimada ka baxsan u gaysanayaan qofka duubidda sameeyay.
Hasa ahaate taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka ayaa ku jawaabay inaysan sharci darro ahayn haddii saraakiisha muuqaallo looga duubo iyadoo aan niyad xumo laga lahayn.
Kenyaanka isticmaalo baraha bulshada ayay jawaabta Mutyambai dood ka dhex abuurtay waxayna ka dalbadeen inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo in kastoo markii uu dhameeyay jawaabihiisii ku saabsanaa su’aalihii la waydiinayay uusan caddeyn faallooyinkiisa.
Waxay arrintan ku soo aadaysaa iyadoo ay soo noqnoqdeen kiisaska ay ciidamada booliska ku dhibaateeyaan shakhsiyaadka ka duubo muuqaallada.
Waxaa dhacdooyinkan ugu dambeysay midii bishii hore xilligaasi oo Boniface Mwangi oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada la soo tabiyay inay ku xadgudbeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da oo ay ku eedeeyeen inuu taleefoonkiisa muuqaal uga duubay.
Home Wararka Kenya Taliyaha booliska dalka oo sheegay inaysan sharci darro ahayn in muuqaallo laga...